Samstag, 5. Dezember 2015
Dienstag, 31. März 2015
Musharaxiinta jagada madaxweynenimo ee maamul goboleedka Hiiraan & SH/dhexe
Sida ku qoran dastuurka dowlada federaalka somaaliya waxaa maamul goboleed sameysan kara midowga laba gobol iyo kabadan taa oo u ogolaaneysa in eey noqdaan maamul goboleed ka tirsan maamulada federaalka oo iyagu dhamaan hoos imanaya maamulka dhexe ee qaranka.
Hadaba xili eey gabagabo mareysa dhisida maamul goboleedyada somaliya eeyna jiraan maamulo badan oo kahana qaaday gobolada intooda badan marka laga reebo maamulada qaar oo iyagu awood shisheeye ku heesta gobolada qaar sida maamulka Jubbaland ayaa waxaa isasoo taraya gobolada kale ee iyagu doonaya in eey dhistaan maamul loo dhanyahay islamarkaana taageera kaheesta dagta daga goboladaasi.
Maamuladaa waxaa kamid ah maamulka iminka ladamacsanyahay in eey dhistaan gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Waxaa jiraa musharaxiin badan oo u taagan jagada madaxweynenimo ee maamulkaasi sida gudoomiye kuxigeenkii Hore ee gobolka Hiiraan mudane maxamed ibraahim cali oo waxbadan kasoo qabtay horumarinta dhanka amaanka ee gobolkaasi waqtigii uu xilka hayayna ciidamada dowlada lawareegeen dagmooyin badan sida Degmada Buulabarde oo 90 km dhanka koonfureed ka xigta magaalada beledweyn.
Waxaa sidoo kale sharaxan aqoonyahan in muda ahi kunoolaa mareykanka waa mudane xamza haadoow, kana mid ah musharaxiinta ugu cadcad qabaahada xilkan.
Donnerstag, 29. Januar 2015
Waa maxay Kutlo?
Kutlo waa eray asalkiisu carabi yahay oo loola jeedo kis, koox ama kabbo. Ereyga Kutlo wuxuu ku soo biiray qaamuuska aan rasmiga ahayn ee siyaasadda Soomaalida. Waxaa la baxay Mudanayaal Baarlamaanka ka tirsan oo danwadaag ah. Dantaasi waxay noqon kartaa dan guud ama mid gaar ah. Kutlad waxay ahaan kartaa danwadaag, carowadaag, aragtiwadaag, talowadaag ama intoo dhan. Kutladaha ugu codka dheer waxay kala yihiin.
Badbaado Qaran waxay u soo ifbaxday kuna midowday isku daygii fashilmay ee lagu badbaadin rabay Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed. BQ waxaa u madax ah, Cabdi Weheliye Dhuxulow oo reer Ceel Buur ah. Waxaa laga yaabaa in ay tahay tan ugu xubno badan Kutladaha Baarlamaanka.
Toosinta Talada Qaranka oo loo soo gaabiyo TTQ. Waxay samysantay markii ay isu bahaysatay in ay is hor taagto Xukuumaddii laqmatay ayada oo shan maalmood jirta. Xukuumaddaas oo lagu dhici waayay in Baarlamaanka la hor geeyo waxay hadda fadhiyada siyaasadeed ee Muqdisho qaarkood u yaqaannaan Leef oo ha liqin. TTQ waxaa u madax ah, Cabdullaahi Jaamac oo ah Gaalkacyood.
PIP waa Kutlada magaceedu af Ingiriiska yahay ee loo soo gaabiyo PIP (Public Interest Platform). Waxay samaysantay markii ay damacday in ay badbaadiso Xukuumaddii Leef oo ha Liqin oo la siqiir suujiyay.
Sharciyad
Kutladdu ma ahan xisbi siyaasadeed oo diiwaan gashan, Haddana ma jiro qaanuun diidaya in ay Xubnaha Baarlamaanka ee danwadaagta ah ama isku aragtida ahi ay isku hal si u codeeyaan. Waa hab awood siinaya Xildhibaannada magaca qabiil ku galay Baarlamaanka oo haddii qabiil la aado aan heli karin codad tiro badan oo miisaan leh ku leh siyaasadda. Dadka qaar waxay ku tilmaamayaan in kutladuhu ay yihiin nidaam qabiilka looga gudbi karo oo u xuub siiban kara axsaab siyaasadeed. Dad kalena waxay la tahay in ay yihiin caqabad hor leh oo ku soo korortay siyaasadda Soomaaliya oo awalba waayadaan ku dabaalaneysay bad kacsan.
Dhinacyada qaar waxay tuhunsan yihiin in Kutladaha qaarkood ay ujeeddadoodu ka qoto dheer tahay waxyaabaha ay hadda idaacadaha ka sheegayaan.
Abonnieren
Posts (Atom)

