Montag, 15. Dezember 2014

Ciidamada dowlada oo si buuxda gacanta ugu dhigay degmada Guriceel

Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Galgaduud ee Dowlada Soomaaliya iyo saraakiil ciidan ayaa hogaaminaya Ciidamada maanta la wareegay Degmada Guriceel ,kuwaa oo ka baxay Magaalada Dhuuso Mareeb ay horey gacanta ugu hayeen.

Ciidamadii Ahlu Sunna ee kusugnaa Degmada Guricee ayaa halkaasi isaga baxay kuwaa oo afka saaray Deeganao kale oo Gobolka Galgaduud katirsan , waxaa sidoo kale Guriceel ka baxay Ciidamo uu watay Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) oo isna ku lug lahaa Dagaaladii dhawaan ka dhacay Dhuuso Mareeb iyo Guriceel.

Xaalada Degmada Guriceel ayaa lasoo sheegayaa xiligan in ay tahay Mid dagan, waxaana xarumihii iyo saldhigyadii Ciidamadii Ahlu Sunna ee maanta ka baxay halkaasi isku fidiyay lana wareegay Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya.

Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ee gacanta ku hayay Degmooyinka Dhuuso Mareeb iyo Guriceel ayaa ku kala qeybsamay dagalakii dhawaan ka dhacay Magaalada Dhuuso Mareeb iyo Guriceel , waxaana hada muuqanaya in Kooxdaasi ay garab ku biireen Dowlada halka garabka kalana ay magaalooyinka Dhuuso Mareeb iyo Guriceel isaga baxeen.


Ceelcalionline

Kulan looga hadlayay amaanka qaranka oo maanta ka dhacay muqdisho

Duhurnimadii maanta ayaa waxaa si rasmi ah u qabsoomay kulan uu shir gudoomiyay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duq Muqdisho Jenaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Kulanka oo mudo kooban socday ayaa waxa uu ka dhacay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, iyadoona ay halkaasi kuwada sugnaayen maamulada degmooyinka gobolka.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlayay arrimo kale duwan oo la xiriira horumarinta Caasimadda sida xoojinta Nadaafadda iyo Dariseenta.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale, looga hadlay Amniga magalada muqdisho iyo Bilic soo celinta Magalada Muqdisho Dhanka kale Waxaa looga hadlay in lafuro Wadoyinka Xiran ee Halbowlaha u ah magalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka ayaa waxaa laga soo saaray Laba arin oo kala ah in si joogto ah looga wada qeybqaato xoojinta amaanka iyo in la dardar galiyo Bilicda magaalada iyadoo lala kaashanaayo Hay'adaha ku howl leh arimahaasi.

Wararka iyo Barnaamijyada Ceelcalionline