Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Galgaduud ee Dowlada Soomaaliya iyo saraakiil ciidan ayaa hogaaminaya Ciidamada maanta la wareegay Degmada Guriceel ,kuwaa oo ka baxay Magaalada Dhuuso Mareeb ay horey gacanta ugu hayeen.
Ciidamadii Ahlu Sunna ee kusugnaa Degmada Guricee ayaa halkaasi isaga baxay kuwaa oo afka saaray Deeganao kale oo Gobolka Galgaduud katirsan , waxaa sidoo kale Guriceel ka baxay Ciidamo uu watay Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) oo isna ku lug lahaa Dagaaladii dhawaan ka dhacay Dhuuso Mareeb iyo Guriceel.
Xaalada Degmada Guriceel ayaa lasoo sheegayaa xiligan in ay tahay Mid dagan, waxaana xarumihii iyo saldhigyadii Ciidamadii Ahlu Sunna ee maanta ka baxay halkaasi isku fidiyay lana wareegay Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya.
Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ee gacanta ku hayay Degmooyinka Dhuuso Mareeb iyo Guriceel ayaa ku kala qeybsamay dagalakii dhawaan ka dhacay Magaalada Dhuuso Mareeb iyo Guriceel , waxaana hada muuqanaya in Kooxdaasi ay garab ku biireen Dowlada halka garabka kalana ay magaalooyinka Dhuuso Mareeb iyo Guriceel isaga baxeen.
Ceelcalionline

Keine Kommentare:
Kommentar veröffentlichen