Montag, 15. Dezember 2014

Ciidamada dowlada oo si buuxda gacanta ugu dhigay degmada Guriceel

Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Galgaduud ee Dowlada Soomaaliya iyo saraakiil ciidan ayaa hogaaminaya Ciidamada maanta la wareegay Degmada Guriceel ,kuwaa oo ka baxay Magaalada Dhuuso Mareeb ay horey gacanta ugu hayeen.

Ciidamadii Ahlu Sunna ee kusugnaa Degmada Guricee ayaa halkaasi isaga baxay kuwaa oo afka saaray Deeganao kale oo Gobolka Galgaduud katirsan , waxaa sidoo kale Guriceel ka baxay Ciidamo uu watay Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) oo isna ku lug lahaa Dagaaladii dhawaan ka dhacay Dhuuso Mareeb iyo Guriceel.

Xaalada Degmada Guriceel ayaa lasoo sheegayaa xiligan in ay tahay Mid dagan, waxaana xarumihii iyo saldhigyadii Ciidamadii Ahlu Sunna ee maanta ka baxay halkaasi isku fidiyay lana wareegay Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya.

Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ee gacanta ku hayay Degmooyinka Dhuuso Mareeb iyo Guriceel ayaa ku kala qeybsamay dagalakii dhawaan ka dhacay Magaalada Dhuuso Mareeb iyo Guriceel , waxaana hada muuqanaya in Kooxdaasi ay garab ku biireen Dowlada halka garabka kalana ay magaalooyinka Dhuuso Mareeb iyo Guriceel isaga baxeen.


Ceelcalionline

Kulan looga hadlayay amaanka qaranka oo maanta ka dhacay muqdisho

Duhurnimadii maanta ayaa waxaa si rasmi ah u qabsoomay kulan uu shir gudoomiyay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duq Muqdisho Jenaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Kulanka oo mudo kooban socday ayaa waxa uu ka dhacay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, iyadoona ay halkaasi kuwada sugnaayen maamulada degmooyinka gobolka.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlayay arrimo kale duwan oo la xiriira horumarinta Caasimadda sida xoojinta Nadaafadda iyo Dariseenta.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale, looga hadlay Amniga magalada muqdisho iyo Bilic soo celinta Magalada Muqdisho Dhanka kale Waxaa looga hadlay in lafuro Wadoyinka Xiran ee Halbowlaha u ah magalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka ayaa waxaa laga soo saaray Laba arin oo kala ah in si joogto ah looga wada qeybqaato xoojinta amaanka iyo in la dardar galiyo Bilicda magaalada iyadoo lala kaashanaayo Hay'adaha ku howl leh arimahaasi.

Wararka iyo Barnaamijyada Ceelcalionline


Sonntag, 31. August 2014

Xuska dhalashada nabigeena maxamed SCW

Dadka mucaarada xuska dhalashada nabi maxamed NNKH waxaa lagu yaqaan Cudurdaar iyo marmarsiinooyin aan jirin isla markaana sal iyo raad toona laheen
waxa ayna kudoonayaan in eey ku halleeyaan sumcadda mowliidka  islamarkaana mujtamaca kudhexfaafiyaan marka uu dhasho mowliidka 

Waxaana kamid ah :- 
1.. bishii munkarka ayaa dhalatay – waahadal aan loofiirsan oo waxyeeleenaya caqiida muslimka iyo iimaankiinkiisa waayo ma’ahan arin sahlan in bishii uu dhahay .n.m.c.s.w. lagu tilmaamo waana dacaayad rakhiis ah oo wax minco ama xikmad aan kujirin .
2- dadka mowliida intoodabadan waa faasiqiin:-  waa cajiib waxaa layaableh markii ey waxkale waayeen ayay asxaabtaan ku andacooneesaa in mowliidka ay qabtaan dad aan kufiicneen diinta oo faasiqiin ah taasina waa been oo waxaa qabta mowliidka somaliya intaan lasocdo culimo iyo macalimiin iyo ardayda qur’aanka iyo xerta culuumta barata iyo muxibbiinta n.m.c.s.w. jecel mana ahan   faasiqiin.(كبرت كلمة تخرج من أفواهمم إن يقولون إلا كذبا)
3. niman iyo haween ayaan iskudhexkushaaxa :-
Warkaasna waxba kamajiraan oo intaan kawarheyno haweenkana meel ayay kadhageestaan kheeraadka nimankana meelkale .oo waxkajira malahan waxaan leenahay قل هاتوا برهانكم إن كنتم صادقين ) 
Keena caddeemo muuqda ,waxan kaloo kujawaabayaa iska hubiya isha wararkaas oo kale idiin sootabineesa قال تعالي :- ( يائيها الذين أمنوا إن جاءكم فاسق بنبإ فتبينوا قبل أن تصيبوا قوما بجهالة فتصبحوا علي مافعلتم نادمين
Culimada aan sooxunay mawada faasiqiinbaa ,taas waxaan ufahmayaa xaasidnimo oo sida uu shaacir carbeed dhahay 
إذا أراد الله نشر فضيلة    *     طوبت أتاح  لها لسان حسود 
Marka uu ilaah ruux siiyo nicmo ayay dhacdaa in laxasdo .
Waxaa kaloo lalayaabaa hadlaka ah maalinta uu dhashay n.c.s.w. waa maalintii uu xijabtay oo ah malin xuzni ah .jawaabteeda waxa aytahay sida uu imam suyuudi kujawaabay oo ah 1.. xijaabashada n.c.s.w.waa malin weyn .,dhalashadiisana waa malin weyn laakiin shareecada wax ay na’amartay in aan muujino mahadnaqa nicmadaha iyo in ladulqaato oo laxasali marka ay dhacdo musiibooyinda sida ey shareecada na amartay marka uu dhasho dhalaan waa in lagu farxaa oo waxaa jira in lagowraco (caqiiqda) ama xoolaha yixda laakiin nalama amrin in lagowraco yixdaas marka uu dhinto dhallaankaas “
Hadalkaan waxa ay qoraya kitaabka.  
الحاوي الصغير للحافظ السوطي ص/193 طبعة دار الكتب العلمية 
4- waa lagabadbadiyay n.c.s.w. 
Waxaa cajiib ah hadalada aan loofiirsan ee ruuxo nuucaan ah oo kale uu  kuhadaayaqayo waxaa ilaah uu siiyay n.c.s.w. darajo weyn taas ayaa muan in lasheegsheego ee majiraan kabadbadin ama buunbuunin oo waa la’ammanaa n.c.s.w waxkalena majiraan waxaana kamid ah ammaanta in uu rasuulkii iyo addoonkii  uu ahaa iyo waxlamid ah majirto cid kuhadaaqda sidii reer .n.ciise c.s.w. uu dhahay waa wiilkii ilaah ..أعاذنا الله منها  
Sida uu imam buusuri uu kuleeyahay kitaabkiisa burdaha” unsibee n.c.s.w sharafta intii aad awoodo maxaayeelay fadhligiisa xadmalahan taasoo ninka suugaanta yaqaan ee aftahanka ah uu kaga af-goosankaro 
وانسب الي ذاته ماشئت من شرف * وأنسب الي قدره ماشئت من عظم
فإن فضل رسول الله ليس له    ** حد فيعرب عنه ناطق بفم
   Adilada ixtifaalka mowliidka
) 1.. aayado farabadan .. sida قل بفضل الله وبرحمته قبذالك قليفرحوا هو خير مما يجمعون) وقوله تعالي :- ( وأفعلوا الخير لعلكم تفلحون 
Oo macnaheedu uu yahay in lagu farxo raxmadda ilaah uu Sida uu imam suyuudi leeyahay ibnucabbaas ayaa kufasiray n.m.c.w.iyo aayadda kale ee macnaheedu ayahy ‘suubiya kheyrka waxaad mudantihiin in aad liibaantaan’   
2…
(وماأرسلناك الا رحمة للعالمين)
…..Xaddiiska:— n.c.s.w. uu   kudhahay
من سن في الأسلام   سنة حسنة فله أجرها وأجر من عمل بعده من غير أن ينقص من أجورهم شيئ
Oo macnahiisu uu yahay ruuxii bilaabaa sunno wanaagsan islaamk dhexdiisa waxa uu leeyahay ajirkeeda iyo ajirka ruuxii kucamalfalay ee kadambeeyay ayadoo aan ladhimin ajirkoodii waxba
2- ijmaaca culimada oo dhan
Sida uu n.m.c.s.w. uu kuleeyahay xadiithkaan oo ah ( لاتجتمع أمتي  علي ضلال )
Oo macihiisu yahay umaddeedu kumakulanto baadi . s.c.w.s.
 Hadalada culimada islaamka
 1.. imam xaafid al-casaqalaani:- waxa uu leeyahay asalka camalka mowliidka oo ah in dadka ey kulmaan oo ah in la’aqriyo qur’aanka iyo akhbaarta kutimid hor-udhicii n.m.c.s.w iyo wixii dhacay ee aayadaha oo markaas lafidiyo darmaha si dadka looquudiyo oo sidaas kufaataxeestaan waa bidco wanaagsan waana la’iska abaalmarinayaa ninkii suubiya waayo waxaa kujira weyneenta rasuulka m.c.s.w iyo lamuujiyo farxadda ku began dhalashadiisa wanaagsan “. 
2. imam suyuudi waxa uu kuleeyahay kitaabkiisa حسن المقصد في عمل المولد ) 
Safxada 189 asagoo kajawaabaya su’aal laweydiiyay oo aheed kawaran mowlidka ? marka imaamku waxa uu dhahay .. waxaan ii muuqday asalka mowliidka oo ah xadiith n.c.s.w. lagawariyay oo kahadlaya in uu n.c.s.uu soogalay maddiina markaasna ay magaalada uu kahelay in reer yahuud ey soomanyihiin ,waa uu weydiiyay n.c.s.w. markaa ayay waxay dhaheen waa maalintii ilaah uu kuhafiyay fircoon badda uuna badbaadiyay n.muuse c.s.w. marka sidaas ayaan usoomanahay ayay kudhaheen n.c.s.w. oo ilaah ayaan uga mahadcelineenaa arrinkaas markaas ayuu imaamku waxa uu leeyahay waxaa laga faa’iideesanayaa xadiithkaan in loobaahanyahay in lagu mahadceliyo ilaah waayo waxa uu ilaah nasiiyay naicmad ..markaas ayuu sheekhu isweydiinayaa oo waxa uu leeyahay waatee nicmadda kaweyn soosaaridda ilaah uu soosaaray n.c.s.w 
 Kitaabadii ey kaqoreen culimadii hore mowliidka


Mittwoch, 20. August 2014

Waqtiga rasmiga ah ee ciidamada nabad ilaalintu ka baxayaan somaliya oo la shaaciyay

Ku simaha wakiilka ururka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya haweeneyda la yiraahdo Lydia Wanyoto ayaa ayadoo ku sugan magaalada Kampala ee xarunta wadanka Uganda waxay u sheegtay warbaahinta in qorshaha ururka Midawga Africa uu yahay in marka la gaaro sanadka 2016 in ciidamada AMISOM Soomaaliya laga saaro.

Lydia Wanyoto waxaa ay sheegtay in qorshaha hadda socda uu yahay in la dadajiyo dadaalka nabad raadinta Soomaaliya isla markaana inta aan la gaarin 2016 in Al-Shabab Soomaaliya oo dhan laga saaro taasoo dhabaha u xaaraysa in ciidamada AMISOM Soomaaliya iskaga baxaan.

Haweeneydaan u hadashay ururka Midawga Africa waxaa ay xustay in hadda la wado qorshe la doonayo in Soomaaliya lagu nabadeeyo kadibna marka la gaaro 2016 ay dawlada Soomaaliya isku filnaato.

“Qorshaha aanu wadno waxa weeye inaanu aragno Soomaaliya oo nabad ah iyo AMISOM oo Soomaaliya laga saaro 2016” ayay tiri sii hayaha wakiilka Midawga Africa ee Soomaaliya Lydia Wanyoto oo sidoo kalena sheegtay in AMISOM ay isku diyaarinayso in Soomaaliya laga saaro 2016.

Sidoo kale safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Sayid Axmed Daahir ayaa isaguna  sheegay in wadamada Soomaaliya usoo gurmaday ay uga mahad naqayaan dadaalka ay u galeen caawinta dawlada Soomaaliya waxaana uu intaa ku daray in Soomaaliya hadda ku socota wadada horumarka isku filnaan la gaari karo.

Hadalkaan labadaan mas’uul waxay ka sheegeen xiritaanka tababar magaalada Kampala loogu qabtay 30 sargaal oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo la barayay sharciyada caalamiga ah xaquuqda aadanaha.

Ciidamada AMISOM oo ka socda wadamada Uganda, Burundi,Kenya, Djibouti, Sierra Leone iyo Ethiopia ayaa waxay Soomaaluta ku joogaan sharci ay ka haystaan ururka midawga Africa iyo ogolaashaha dawlada Soomaaliya waxaana ay dawlada ku caawiyaan dagaalka ay Al-Shabaab kula jirto.

Golaha amaanka ee Q,M ayaa sanadkii hore ee 2013 waqti kordhin u sameeyay howlgalka AMISOM waqtigaasna waxaa uu ku egyahay 2016.

Sanadka 2016, waa xilliga loo madalsanyahay in Soomaliya ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Freitag, 1. August 2014

Xildhibaankii 5aad oo muqdisho lagu dilay sanadkan gudahiisa

Iyadoo wax ka yar laba isbuuc laga joogo dilkii xildhibaanad Saada cali warsame ayaa markale maanta gudaha dagmada Xamarweyne ee caasimada muqdiaho lagu dilay xildhibaan kale, Dad goob joog ahaa ayaa ku waramay in dabley ku sugaysay gurigiisa agtiisa, markii uu ka soo laabtay masjidka marwaas salaadii jimcaha kadib ay rasaas ku fureen xildhibaanka isagoo isla goobta ku geeriyooday.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay dilka xildhibaan Sheekh Adan Maxamed Deer, waana xildhibaankii shanaad ee sanadkan lagu dilo Muqdisho.

Freitag, 11. Juli 2014

xeerka eedeysanaha! Iyo qawaaniinta caalamiga ah.

Dad aan is aragnay iyo qaar dibadda igala soo xiriiray intuba waxay shalay iyo maanta aad u hadal hayaan wareysi Telefishinka Qaranka SNTV shalay laga sii daayay welibana lagu cel celiyay. Wareysiga waxaa lala yeeshay Xasan Muxudiin Xasan oo lagu tilmaamay in uu ahaa ninkii fududeeyay weerarkii lagu qaaday Madaxtooyada Talaadadii.

Waan fahmi karaa in ay fursad weyn u tahay weriyaha qaaday iyo Telefishinka laga sii daayay labadaba, marka loo fiiriyo tartanka saxaafadda. Markaa waan ugu hambalyeynayaa in ay heleen wareysi ay dadku aad u xiiseynayaan oo aan Telefishin kale heli karin.

Laakiin ayaa jirta. Ujeeddada wareysiga laga lahaa, goorta la sii daayay, macluumaadka loogu deeqay ciddii weerarka abaabushay, muuqaalka guud ee uu bixiyay iyo khatarta ka imaan karta intaba waxaa ka muuqda khaladdaad aan loo cudur daari karin.

Khaladdaadku ma ahan kuwo uu mas’uuliyaddooda leeyahay SNTV oo wareysigan sii daayay. Waa khalad ka dhacay Hey’adaha Amniga, mas’uuliyaddeeduna ay u noqoneyso Dowladda.

Intaas marka laga soo tago waxaa la yaab noqotay 24 saacadood gudahood markii ninkan la qabtay in la hor geeyay saxaafadda. Su’aashu waxay noqotay yaa mudnaanta leh in saxaafaddu ay wareysato iyo in dembi baarayaashu ay wareystaan?
Mise dembi baarayaasha iyo hey’adaha kale ee amniga ayaa wareysigoodii iyo ka baaraan degidda wixii daba gal u baahan ay ku dhammaystay 24 saacadood?

Ninkani haddii uu galay dembiga uu ku eedeysan yahay, yaa damaanad qaaday in marka Telefishinka la soo fariisiyo aanuu isticmaali doonin hadal maldahan ama sarbeeb ah oo uu ugu baaqayo ciddii weerarka abaabushay?

Ma laga yaabaa ninkani in uu farriin maldahan u diray Xarakadiisa? Xataa haddii aanuu isagu farriin dirin, miyaan wareysigu dadkii abaabulka lahaa fursad wanaagsan u siin in ay ogaadaan ninkani su’aalaha la weydiiyay sida uu uga jawaabay?  Taas oo u sahli karta in xogta kashifantay iyo midda aan kashifmin amaba aan la weydiin ay markiiba ogaadaan?

Da’yarta daawaneysa, wareysigu ma tusay wax ay ka cabsan karaan ama la foolxun oo ay tahay in ay ka digtoonaadaan? Ninkani wuxuu fadhiyay kuraas dabacsan, cayilan, qurxoon oo kuwa nasashada ah.  Wuxuu gashanaa funaanad cusub oo midabbada calanka Soomaaliya leh. Waxaana lagu wareysanayaa Telefishin.

Dhanka kale, xuquuqdiisa shakhsiga ah marka la fiiriyo ninkan ma loo qabtay Qareen la taliya oo tilmaama?

Anigu saxaafadda aan aqaan waa ka mamnuuc, in ay guda gasho dacwad aan weli Maxkamaddu go’aan ka gaarin. Waayo Garsooraha Maxkamaddu wuxuu ka mid yahay bulshada dhegeysata saxaafadda ama akhrisata ama labadaba. Saxaafaddu waxay saameyn kartaa fikirkiisa ku wajahan eedeysanaha la wareysanayo.

Marka qof la soo xiro ilaa ay Maxkamaddu go’aan ka gaarto dacwadda ku oogan qofkaas weriye looma oggolaado in uu wareysto.

Tusaale wareysigu wuxuu ninkan ugu yeeray dhagarqabe, wuxuu noo sheegay oo kale in walaaalihiis ay al Shabaab ka tirsan yihiin.

Bal u fiirso lama adeegsan ereyga eedeysane ee waxaa lagu tilmaamay dhagarqabe. Waa laga yaabaa in uu yahay dhagarqabe waxaase dhagarqabe ama dembiile loogu yeeri karaa keliya marka ay Maxkamadi ku xukunto.

Freitag, 27. Juni 2014

Somali lagu gubay koonfur afrika

Afar qof oo Soomaali ah ayaa lagu gubay dukaan ku yaalla duleedka magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. Laba ka mid ah afartan qof ayaa ku jira cisbitaal, iyadoo midkood xaaladdiisu ay aad u liidato.

Afartan qof waxay ka mid yihiin ganacsatada Soomaalida ee dukaamada ku leh magaalada Johannesburg.

Maxamed Shuuriye Rooble oo ay ehelo yihiin afartan qof ayaa VOA u sheegay in shilkan uu ka danbeeyey nin u dhashay dalka Konfur Africa oo sida uu sheegay diidan ganacsigooda oo ku sii fidaya xaafadda Denver ee duleedka magaalada Johannesburg.

Tiro ka badan boqollaal Soomaali ah ayaa lagu dilay gudaha dalka Koonfur Afrika, waxaana dilalkooda loo aanaynayaa dad ka soo horjeeda ganacsiga ay Soomaalidu ka wado gudaha Koonfur Afrika.